Semesterka horay ka bilow

Ardada inta badan waxaa ka khaldanta in ay la socdaan waqtiyada uu bilowdo semesterka jaamacada. Taasna waxay ku keentaa ardayga in uu kasoo daaho inta badan semesterka hadhowna ay ku noqdaan casharadu kuwa gab-gab ah ama deg-deg ah.

Hadaba maqaalkaan koobaan waxaan ku sharaxi doonaa Eebe idinkii waqtiyada kala duwan ee semesterku bilowdo ayna wanaagsan tahay in aad isla waqtigaas ku bilowdid si aysan waxba kuu dhaafin culaysna uusan kuu dul fuulin.

Jaamacada Sahal si guud waxaa la dhigtaa sanadkii sadex semester iyada oo ay ku xirantahay qaabkaad u dhigatid Regular (soo xaadiris) ama Online Distance.

Saddexda xili waxay kala yihiin sidaan soo socota:

  • Sept 1 ilaa Sept 25. Semesterkaas waxaa wanaagsan in ardaygu isku diiwaangeliyo mudadaas dhexdeeda hadii kale late registration bay ardayga ka noqonaysaa
  • Janaury 1 ilaa janaury 15. Semesterkaan wuxuu noqdaa kan labaad hadana saas oo ay tahay kama dhigna in aad waayaysid semester one oo waa la helaa arday semester one ah iyo semesterada kaleba
  • April 25 ilaa May 10 : waa semesterka xagaaga inta badan ardada onlineka ku dhigata iyagu toos ayay u dhigan karaan semesterkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *