Fursada Half Scholarshipka ah

Jaamacada Sahal. (Sahal University). Waxay daah furtay fursad qaali ah oo dhamaan ardada Soomaaliyeed meelkasta oo ay caalamka ka joogaan ay ka faa’idaysan karaan. Fursadan oo ah Fursad la siinayo ardayga half scholarship.

Hadaba waxaa laga yaabaa in aad iswaydiinaysa fursadan half scholarshipka ee jaamacada Sahal bixinayso maxay tahay? Maxayse ka dhigan tahay.

Jaamacada Sahal waxaa asal ahaan ka go’an in la helo waxbarasho aan culays ku ahayn qiima ahaan bulshada isla markaasna taya sare leh. Si hadaba looga dhabeeyo yoolka jaamacada Sahal waxay ardada siisay fursad half scholarship ah taas oo ka dhigan in arday kasta laga daynayo haaf kamid ah fiigii jaamacada. Tusaale ahaan owal fiiga jaamacada wuxuu ahaa 300 ilaa 350 halkii semester. Meeshii aad semesterkii (oo afar billood ah) aad bixin lahayd qiimahaas sare waxay jaamacadu kaa daysay haaf. Taas oo ka dhigan in ardaygu bixin doono oo kaliya 160 semesterkii oo dhan.

Hadana sidaas oo ay tahay jaamacada Sahal waxay ardayga siisay fursad ah in uu ukala bixin karo sida ugu macquulsan oo aan ardayga misana halmar la culaysin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *